Hoggaamiyeyaasha Afrika Oo War Kasoo Saaray Dilka Madaxweynihii Jaad

0
282

Hoggaamiyeyaasha Afrika Oo War Kasoo Saaray Dilka Madaxweynihii Jaad

Hoggaamiyeyaasha Afrika, qaarkood ayaa ka hadlay geeridii ku timid madaxweynihii Chad Idriss Déby, oo la toogtay xilli qeybo ka mid ah dalkiisa ay ka socdeen dagaallo.

Madaxweynaha Niger Mohamed Bazoum, oo ka hadlay geerida Idriss Déby,  ayaa qirey in Mr Déby uu si qoto dheer ula dagaalamay argagixisada, waxuuna intaa ku daray inuu door firfircoon ka ciyaari lahaa la dagaalanka kooxda islaamiyiinta ee Boko Haram ee ka dagaalanta gudaha dalkiisa.

Hogaamiyaha reer Cameroon Paul Biya, ayaa geerida ku tilmaamay madaxweynaha Chad, ku tilmaamay khasaare aad weyn oo soo gaaray bartamaha Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Madaxweynaha Koonfur Afrika sheegay inuu “si murugo leh u helay warka naxdinta leh ee dhimashada deyby” wuxuuna  yiri: “Waxaan si adag u cambaareyneynaa rabshadaha galaaftay nolosha dad aad u fara badan, oo uu ku jiro Madaxweyne Déby”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo Felix Tshisekedi, oo sidoo kale ah madaxweynaha Midowga Afrika, ayaa yiri “geerida Idriss Déby, waxay khasaaro weyn u tahay Chad iyo Afrika oo dhan”.

Idriss Déby, oo 68 jir ahaa ayaa ciidanka booqanayay xilli ay xoogagga fallaagada ku ah dowladdiisa ku howlanayeen olole ay damacsanayeen ay ku qabsadaan dhul hor leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here