DEG DEG : Guddigii Lagu Muransanaa Ee Doorashooyinka Dalka Oo La Kala Diray

0
335

DEG DEG : Guddigii Lagu Muransanaa Ee Doorashooyinka Dalka Oo La Kala Diray

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa xalay kulan afur ah la qaatay Madaxda Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka.

Guddigaan oo ay markii hore magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa muddo 6 bilood ka taagnaa khilaaf xoogan, kuwaasi oo aan wax shaqo qaban tan iyo markii la dhisay, iyadoona ugu dambeyn xalay la kala diray.

Guddiga ayaa waxaa la dejiyay hoteelo ku yaalla Muqdisho oo maalmo lagu siinayay Seminaaro ku aadan doorashooyinka, isla markaana soo saaray War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay uga hadlayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baaqyo ku socda Madaxda dowladda Ferderaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Guuleed ayaa guddiyadii Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka uga mahadceliyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood.

Si kastaba Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa sheegay in Guddigaan ka kala diray ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan NISA iyo Shaqaale dowladeed, isla markaana aysan qaban karin doorasho loona baahan yahay in la kala diro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here