Dad Ku Dhintay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Dalka Masa

0
363

Dad Ku Dhintay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Dalka Masa

Warbaahinta Masar ayaa shaacisay in tirada dadka ku dhintay shilka tareenka ee ka shacay Duukh, ay kor u dhaaftay 23 qof, halka ku dhowaad 140 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana la sheegayaa in dhacdadan loo xiray 23, Ruux oo uu ku jiro darawalkii tareenka.

Xeer ilaalinta guud ee Masar Hamaada Al Saawii, ayaa amray in xabsiga la dhigo 23 eedeysane oo lala xriirinaayo shilkan, kuwaa oo ay kujiraan wadahii  tareenka iyo kaaliyihiisa.

Talaadadii shalay, Wasiirka Gaadiidka Masar, Kaamil Al-Wazir, ayaa soo saaray 10 go’aan oo wax laga beddalaayo jagooyinka hoggaanka Tareennada Masar, kuwaa oo meel marintooda ay mas’uul ka yahiin waaxda tareennada ee dalka Masar..

Shilka tareenkan rogmaday ayaa ah kii seddexaad ee noociisa ah oo dhaca gudaha Masar wax ka yar bil, kii ugu waxyeelada badnaa ayaa noqonaya shilkii dhacay 26-kii Maarso, ee sanadkan kaa oo ay ku dhinteen dad gaaraya 32 ruux, halka 165 kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here