Farmaajo Oo Sheegay In Uu Diyaar u Yahay Doorasho Loo Dhan Yahay Xilli Muran Kajiro Muddo Kordhinta

0
261

Farmaajo Oo Sheegay In Uu Diyaar u Yahay Doorasho Loo Dhan Yahay Xilli Muran Kajiro Muddo Kordhinta

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in la qabto doorasho loo dhan yahay xilli 12-kii Bishaan ay Golaha Shacabka muddo kordhin u sameeyeen.

Farmaajo oo booqasho ku tegay dalka Koongo ayaa ka codsaday Madaxweynaha dalkaas ahna Gudoomiyaha Midowga Afrika in uu fududeeyo kor-joogtana ka noqdo wadahadal la isugu keeno dhinacyada Soomaalida.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sirasmi ah u shaacisay in Madaxweyne Farmaajo uu diyar u yahay qabsoomida doorasho loo dhan yahay, sidoo kalena ay soo dhaweeynayaan uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo.

“Dowladda federaalka ayada oo tixgelineysa dadaallada Soomaaliya ay ku qabaneyso doorashooyin loo dhan yahay, nabdoon oo waqtigooda ku dhaca, dowladdeyda waxay soo dhoweeneysaa in Midowga Afrika uu kaalin ka qaato fududeynta hanaan Soomaali ay hoggaamineyo, Soomaali-na ay leeyihiin oo hoggaamin kara wada-hadallo ayaa lagu yiri ” Qoraalka Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan ka tanaasulin xeerkii jiheynta doorashooyinka Soomaaliya, balse ay diyaar u yihiin inay dhacdo doorasho loo dhan yahay, taas oo aan la ogeyn sida ay isku qaban karto.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saamileyda dalka iyo Beesha Caalamka ay kasoo horjesteen muddo kordhintii loo sameeyay Hay’adaha kala duwan ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here