Dowlada Somaliya Oo Mar Kale Shaacisay In Ayna Waxba Iska Bedelayn Go’aankii Baarlamaanka Somaliya

0
491

Dowlada Somaliya Oo Mar Kale Shaacisay In Ayna Waxba Iska Bedelayn Go’aankii Baarlamaanka Somaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyneyso in Midowga Afrika uu qaato dowr fududeyn ah, si saamileyda siyaasadda ee dalka ay uga heshiiyaan hannaanka doorashada xilligeedii la soo dhaafay.

Arrintan ayaa waxa ay soo baxday kaddib markii wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tegay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, Kinshasa, halkaasi oo uu kula kulmay dhiggiisa madaxweyne Felix Tshisekedi oo haatan ah guddoomiyaha Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha dibedda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay weli ku dheggan tahay xeerkii jihaynta doorashada ee uu Golaha Shacabka ansixiyay 12-kii bishan.

“Waxba iskama aanay badelin go’aankii baarlamaanka uu qaatay, taas waa howl Baarlamaanka u taal,” ayuu yiri Wasiir Maxamed oo intaas ku daray: “Doorashadu noocwalba oo ay ahaato, mid toos ah, mid dadban, doorasho marwalba waa inay noqotaa mid nabad ah, mid loo dhan yahay, mid waadax ah loo wada jeedo.

Isaga oo sii hadlaayay aya waxaa uu Carabka ku dhuftay in uusan jirin wadahadal furan oo hadda socda, isla markaana looga hadlayo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka dalka ka dhacaya, hasayeeshee uu soo dhaweeyay in Midowga Afrika uu dowr fududayn ah ku yeesho doorashada.

Si kastaba Beesha Caalamka, Ururrada Bulshada Rayidka, Midowga Musharaxiinta, Madasha Badbaado Qaran iyo siyaasiyiinta dalka ayaa siweyn uga hor yimid muddo kordhinta labada sanno ee loo sameeyay hay’addaha dowladda Federaalka iyo Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here