Booliska Dalka Bangladesh Oo Xabsiga Ku Guray Boqolaal Muslimiin Ah Iyo Sobobta

0
316

Booliska Dalka Bangladesh Oo Xabsiga Ku Guray Boqolaal Muslimiin Ah Iyo Sobobta

Booliska Bangladesh ayaa xiray boqolaal Islaamiyiin ah isbuucii la soo dhaafay, ka dib markii lagu eedeeyay in ay horkacayeen banaanbaxyo dhiig badan ku daatay oo looga soo horjeeday booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, dalkaas booqasho ku tagay dhamaadkii bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Banaanbaxyadan ayaa waxaa hogaaminayay inta badan dad ka mid ah kooxda Ilaaliyaasha Islaamka, kuwaa oo Modi, ku eedeeyay inuu hurinayo rabshado diimeed ka dhan ah Muslimiinta ku dhaqan India, Booliska ayaa ku dhawaaqay qabashada hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ilaaliyaasha Islaamka, Meynuun Al-Xaq, Axadii la soo dhaafay, ka dib markii ciidamada ay weerareen goob uu ka socday shir islaami ah oo ka dhacay caasimada dalkaasi ee Dhaka.
Wakaaladda wararka France Presse, soo xigatay afhayeenka u hadlay Booliska Bangladesh, ayaa yiri “Toddobaadkan, waxaan gacanta lagu soo dhigay hoggaamiyihii toddobaad ee dhaqdhaqaaqa, Ilaaliyaasha Islaamka, Meynuun Al-Xaq, isagoo ku eedeeyay abaabulka dibad baxyo rabshad watay oo ay geysteen Xarakadan.

Booliska ayaa sheegay in 298 xubnood iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dhaqdhaqaaqan laga soo qabtay bariga wadanka.

Waxaa la filayaa in dacwad lagu soo oogi doono maxaabiistan loo xirxiray rabshadahii dhacay intii lagu jiray mudaharaadyadii looga soo horjeeday booqashadii Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo banaanbaxyadii dhacay sanadkii 2013, oo ay ku dhinteen dad gaaraya 50 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here