Farmaajo Iyo Beesha Caalamka Oo Kulan Gaar Ah U Socda

0
534

Farmaajo Iyo Beesha Caalamka Oo Kulan Gaar Ah U Socda

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa haatan waxaa uu kulan gaar ah uga socdaa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Kulankan dhexmaraya dhinacyada ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee Caasimadda oo ah mid Cakiran iyo Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay muddo kordhinta ugu sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Farmaajo.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in kulankaan ay Beesha Caalamka ugu yeertay Farmaajo, isla markaana waxaa la tilmaamay in Beesha Caalamka ay Madaxweynaha u caddeeyneyso mowqifkooda ku aadan muddo kordhinta labada sanno ee loo sameeyay.

Wakiilada Beesha Caalamka oo ugu horreeyaan Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ayaa si Cad u sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kororsiga ay ku dhaqaaqeen Golaha Shacabka, ayna taageeri doonin tallaabadaas iyo doorasho is barbar socota.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeystay muddo kororsiga loo sameeyay, isla markaana waxaa ay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee waqtiga ka dhammaaday ay sheegeen in lagu heshiin waayay heshiiskii Muqdisho lagu gaaray 17-kii Semterber 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here