Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo xilka ka qaaday Taliska Booliska Gobalka Banaadir(Saadaq John).

0
356

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo xilka ka qaaday Taliska Booliska Gobalka Banaadir(Saadaq John).

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha guud ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka looga qaaday Taliye  Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo ahaa Taliyihii Booliska Gobolka, isagoona mid cusub u magacaabay.

Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare.

Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole)  ayaa horey u ahaa taliyaha Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ee ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Taliye Saadaq Joon ayaa saacad kahor warbaahinta ka shaaciyay inuu baajiyay kulankii Maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay ku yeelan lahaayeen Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Taliyihii hore ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon in marnaba aan la aqbali doonin muddo kororsi Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyaan Hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here