Dawladda Soomaaliya Oo Go’aamo Ku Soo Rogtay Xayiraado La Xidhiidha Xanuunka Corona-Virus

0
308

Dawladda Soomaaliya Oo Go’aamo Ku Soo Rogtay Xayiraado La Xidhiidha Xanuunka Corona-Virus

Wasiirka Warfaafinta dawladda Soomaaliya Cismana Abuukar Dubbe ayaa xalay  warbaahinta u akhriyay go’aamo uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Rooble.

Go’aamadan waxaa ka mid ah in dhammaan goobaha waxbarashsda la xidhi doono muddo laba asbuuc ah oo ka bilaamanaysa maanta oo 3-da Maarso ah ilaa 27 Maarso.

Kulamada dadweynaha wixii ka badan 10 qof ayaa la joojiyay muddo bil ah, marka laga reebo dadka ogolaanshaha haysta oo iyagana lagu xidhay in ay isku jirsadaan laba mitir iyo in ay soo qaataan afxir.

Waxaa muddo 30 maalmood ah la’ joojiyey xafladaha aroosyada, sidoo kalena waxa la mamnuucay goobaha caweysyada ee habeenkii dhalinyaradu ku kulanto.

Waxaa sidoo kale qof kasta la faray in uu qaato afxirka marka uu joogo goobaha la iskugu yimaado, sida masaajidda, goobaha ganacsiga, gaadiidka dadweynaha iyo meelaha kale ee la iskugu yimaado.

Xafiisyada dawladda ayaa si ku meel gaar ah loo xidhay muddo laba asbuuc ah oo ka billaamanaysa maanta oo Arbaca ah , sidoo kale isu socodka Muqdisho iyo gobollada ayaa la sheegay in la dhimi doono.

Dowlada waxay sheegtay in gadiidka dadweynaha iyo kuwa khaaska ah ay si caadi ah u sii socon doonaan, balse dadka ay waajib in ay xidhaan afxirka.

Halkan hoose ka daawo warkaas oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here