Bilyaneer Baraha bulshada ku Baahiyay Dalab ah in uu raadinayo Cid Hawada Sare u Raacda

0
251

Bilyaneer Baraha bulshada ku Baahiyay Dalab ah in uu raadinayo Cid Hawada Sare u Raacda

Bilyaneer u dhashay dalka Japan ayaa doonaya sideed qof oo ku wehlisa safar uu ugu bixi doono dayaxa isagoo raacaya dayax gacmeedka SpaceX ee uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk.
Yusaku Maezawa ayaa video uu soo dhigay Twitter ku sheegay inuu doonayo dad ka soo jeeda qeybaha kala duwan ee bulshada caalamka, waxaana uu soo bandhigay faahfaafinta codsiga ku aaddan arintaa.
Waxa uu tilmaamay inuu bixinayo dhammaan kharashka safarka, dadka raacana ay si bilaasha ku tegi doonaan dayaxa.
Safarka oo loogu magacdaray dearMoon ayaa lagu wadaa inuu dhulka ka ambabaxo sanadka 2023.
“Dadka codsiga gudbinaya ayaa looga baahan yahay laba shardi oo kala ah: in hawlaha ay hadda hayaan ay ugu adeegaan aadanaha intiisa kale, iyo in ay diyaar u yihiin inay taageeraan xubnaha kale ee safarka ku wehliya ee ay isku hanka yihiin,” ayuu sheegay Yusaku Maezawa.
Waxa uu intaa raaciyay inuu iibsaday dhammaan kuraaska duulimaadka, uuna ahaan doono mid dadkaas khaas u ah.



  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here