Alshabaab oo shan ruux oo ay ku eedeeyeen basaasnimo ku toogtay Jilib

0
266

Alshabaab oo shan ruux oo ay ku eedeeyeen basaasnimo ku toogtay Jilib

Ururka Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fuliyay fagaaro ku yaalla magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe shan ruux oo ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen dowlada Maraykanka.

Fagaaraha ay toogashadan ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab iyo dadweynaha ku nool magaalada Jilib.

Maxkamada Alshabaab ayaa ku heshay shanta ruux oo dhammaantood rag ahaa inay la shaqeynayeen diyaaradaha droneka ee duqeymaha ka fuliya deegaanada ay ku sugan yihiin ururka Alshabaab.

Magacyada dadkan lagu toogtay magaalada Jilib ayaa lagu kala sheegay; Abuukar Xasan Maxamed,Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ), Mahad Cabduqaadir Aadan “Mahad Qaadoole”,Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan,Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa waxa ay hore xukuno dilal ah ugu fuliyeen dad lagu eedeeyay inay u basaasayeen dowlada federalka iyo dowlada Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here