Mareykanka Oo Kenya u Diray Digniin La Xiriirta Weerarada Al-Shabaab

0
306

Mareykanka Oo Kenya u Diray Digniin La Xiriirta Weerarada Al-Shabaab

Mareykanka ayaa soo saaray digniin cusub oo ku wajahan diyaaradaha rayidka ah ee ka duulaya hawada Kenya, sababo la xiriira weerarada Al-Shabaab.

La taliye ka tirsan Maamulka Duulista Hawada ee Federaalka Mareykanka ee loo soo gaabiyo (FAA) ayaa sheegay in Al-Shabaab ay si cad u shaaciyeen inay damacsan yihiin inay fuliyaan weerarro ay uga aargoosaneyso howlgalada argagixiso la dirirka Kenya ee Soomaaliya.

“Sababo la xiriira xubnaha xagjiriinta ah ee kasoo talaabaya Soomaaliya, waxaa jirta halista sii socota ee duulimaadyada rayidka ee Mareykanka ee u duulaya, mee ka baxsan, gudaha, ama guud ahaan dhulka iyo hawada Kenya, ”ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay La-taliyaha.

Sidoo kale warka kasoo baxay Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab heystaan hub kala duwan, oo ay ku jiraan hubka fudud; hubka dabka ee aan tooska ahayn, sida madaafiicda iyo gantaallada; iyo hubka kahortaga diyaaradaha iyo kuwa garbaha laga tuuro ee difaaca cirka.

“ Hubka noocan oo kale ah wuxuu khatar ku yahay diyaaradaha rayidka ah ee ku shaqeeya meelaha hoose, oo ay ku jiraan xilliyada imaatinka iyo bixitaanka duulimaadyada ama garoomada diyaaradaha iyo diyaaradaha dhulka, gaar ahaan garoomada fog fog.

Hay’adda Maamulka Duulista Hawada ee Federaalka Mareykanka ayaa tixraac ka bixisay weerarkii ka dhacay Camp Simba, kaas oo ku dhexyaal aagga Manda Bay Janaayo 5, 2020, halkaas oo weerar culus ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana weerarka lagu burburiyey diyaarado badan, taas oo muujineysa ujeedka iyo awooda kooxda ee ku wajahan waaxda duulista.

Warbixinta FAA ayaa intaas ku dartay in weeraradan ay muujiyeen awooda al-Shabaab ay uga sii shaqeyn karto xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo gobolka xeebta ee Kenya deriska la ah Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here