Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan Gaar Ah Ku Yeeshay Magaaladda Burco

0
312

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan Gaar Ah Ku Yeeshay Magaaladda Burco

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa kulan kooban kula Yeeshay Caawa fiidkii Magaaladda Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer Wefti Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI   Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ku Sugan Burco.
Kulanka dhexmaray Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI oo ahaa mid Salaan ah oo uu Maxamuud Xaashi Cabdi ugu tagay goobta ay degan yihiin Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Weftigiisu. Iyadoo Wax faafin dheeri ah aan laga bixin waxyaabihii ay ka Wadda hadleen Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi.
Weftiga Xisbiga WADDANI ee uu hogaaminayo Guddoomiye   Cabdiraxmaan Cirro, ayaa Magaaladda Burco kaga qaybgali doona Munaasibad Balaadhan oo si Waddareed ah uu Xisbigu u Qabanayo Musharaxiinta Xisbiga WADDANI uga Sharaxan Goleyaasha Deegaanka ee Degmooyinka Burco, Oodweyne Iyo Golaha Wakiiladda oo Guud Ahaanba matelaya Gobolka Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here