Shir u dhexeeya dowlada federalka iyo Midowga Musharaxiinta oo ka furmay Hotel Decale

0
315

Shir u dhexeeya dowlada federalka iyo Midowga Musharaxiinta oo ka furmay Hotel Decale

Kulan u dhexeeya Midowga musharixiinta iyo Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa goor dhow shir ugaga furmay Hotel Decale oo ku dhex yaal garoonka diyaaradaha Aden Adde International Airport.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynayaasha Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug Cali Guudlaawe iyo Axmed Cabdi Kaariye.

Ra’isul wasaare Maxamed xuseen rooble ayaa ku metelaya kulankan dowlada federalka waxaana ka mid ah xubnaha midowga musharaxiinta guddoomiyaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale.

Hase yeeshee waxaa kulankan ka qeybgalayn Musharax Xasan Cali Kheyre oo hore u soo noqday ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa qodobada ugu muhiimsan ee logaga hadlayo waxa ay kala yihiin rabshadihii jimcihii hore ka dhacay Muqdisho iyo sida laga yeelayo banaan baxa mar kale musharaxiinta abaabulayaan ee la doonayo in berri oo ah Jimce ah uu ka dhaco Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here