Mareykanka Oo Daabacaya Warbixin Ku Saabsan Dilkii Jamaal Khaashuqji

0
258

Mareykanka Oo Daabacaya Warbixin Ku Saabsan Dilkii Jamaal Khaashuqji

Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu qorshaynayo inuu “goor dhaw” la hadlo Boqor Salmaanka Sucuudi Carabiya.

Arrintan ayaa waxa ay imanaysaa xilli maamulka Mareykanka uu isu diyaarinayo inuu daacabo warbixin ku saabsan dilkii weriyihii u dhashay waddanka Sucuudiga, Jamaal Khaashuqji.

Mr Khaashuqji ayaa 2018 waxaa si arxandarra ah loogu dhexdilay qunsuliyadda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Warbixinta ayaa si wayn loo sugayaa in dilka ninkaasi ay ku xiriiriso hogaamiyaha ruuxiga ah ee Sucuudi Carabiya, Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here