Warqaddii Dembi La’aanta Ee CID-da Laga Qaadan Jiray, Waxa Loo Wareejiyey Xeer Ilaalinta, Waana Caqabad Cusub” Guddoomiye Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde

0
465

Warqaddii Dembi La’aanta Ee CID-da Laga Qaadan Jiray, Waxa Loo Wareejiyey Xeer Ilaalinta, Waana Caqabad Cusub” Guddoomiye Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde

Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in warqadii dembi la’aanta ee Murrashaxiintu ka qaadan jireen Laanta Dembi baadhista ee CID-da loo wareejiyey dhinaca Xeer Ilaalinta Guud oo halkaas bixinayso warqada dembi la’aanta.
Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiqaadir Jirde, ayaa arrintaasi ku tilmaamay caqabad cusub oo soo baxday oo aanay illaa imika fahamsanayn sababta keentay, waxaanu yidhi “Beesha Caalamka waxa aanu kala hadalnay caqabado cusub oo ka Soo Baxay Doorashada, Warqadii Dambi La’aanta Ee CID-da Laga Qaadan Jiray Oo Waxa Wareejiyay Xeer Ilaalinta Ma Fahmayno Macnaheeda Iyo Sababta Loogu Wareejiyay,”
Dhinaca kale mid ka mid ah Murrashaxiinta Xisbiga WADDANI, ayaa hankiisii uga hadhay, markii uu si yidhi doono warqada dembi la’aan, ka dibna loo sheegay in xukun maxkamadeed ku dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here