Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID-19 Ee Soomaaliya Oo Sare Kacday

0
349

Tirada Dadka Laga Helay Cudurka COVID-19 Ee Soomaaliya Oo Sare Kacday

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay dad hor leh oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kusoo laba kacleeyay guud ahaan dalka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saaray Wasaaradda Caafimaada Xukuumadda ayaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga baaray 823 qof, isla markaana laga helay 198 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.

Dadka laga helay Cudurka ayaa 190 kamid ah waxaa ay ku sugan yihiin Gobolka Banaadir, deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug oo laga diiwaan-geliyay 1 Ruux, Hirshabeelle laga helay laba qof, Jubbaland 3 qof iyo Koonfur Galbeed 2 qof ah, waxaana dadkaas 118 kamid ah ay yihiin Rag, halka 80 qofna waa Durmar.

Sioo kale Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda ayaa tilmaamtay in saacadihii lasoo dhaafay Cudurka ay ka bogsadeen 3 qof, ayna u dhinteen 7, waxaana tirada dhimasha guud ahaan dalka gaartay 215,.

Tirada guud ee dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee Soomaaliya ayaa haatan gaartay 6,444 qof, halka 3,781 ay ka bogsadeen, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dadka looga baahan yahay inay taxadar muujiyaan, si looga fogaado faafida Cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here