Puntland Oo Shuruudihii Ugu Adkaa Ku Xirtay Ka Qeyb Galka Shirka Muqdisho

0
271

Puntland Oo Shuruudihii Ugu Adkaa Ku Xirtay Ka Qeyb Galka Shirka Muqdisho

Dowlad Goboleedka Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shuruudihii ugu adkaa ku xirtay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ee ka dhacaya Muqdisho.

War-saxaafadeed saqdii dhexe ee xalay kasoo baxay Puntland oo ku qornaa Luuqada Ingiriiska ayaa waxaa marka hore lagu faah faahiyay shirarkii kala duwanaa ee looga hadlayay arrimaha doorashooyinka iyo caqabadaha weli ku hor gudban doorashada.

Puntland ayaa sidoo kale si adeg uga hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa taagersan Midowga Musharaxiinta.

Puntland ayaa dalbatay in marka hore xilka qaadis lagu sameeyo Taliyeyaasha Ciidamada sida Booliska, Milateriga iyo NISA, lana soo magacaabo Taliyeyaal lagu kalsoonaan karo ah oo KMG ah.

Sidoo kale Maamulka Puntland sheegay in shirka lagu saxiixayo heshiiskii Guddiyada Farsamada ku gaareen Baydhabo lagu qabto meel amni ah, isla markaana ay kasoo qeyb galaan Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka.

Hoos ka Akhriso Shuruudaha ay soo saartay Puntland oo ah kuwo aad u adeg.

1-In la bedelo saddexda Taliye Ciidanka Qalabka sida, Booliska, Milateriga iyo NISA

2-In go’aanadii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ay gaareen wixii ka dambeeyey 27-kii December 2020-ka, Go’aan kasta oo ay Xukuumadda FS gaartay wixii ka dambeeyey 8 Feb in laga laabto sharci darrana laga soo qaado.

3-In laga xisaabtamo wixii dhacay 19 February, guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro dhacdooyinkii dhacay

4-In saamileyda siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah ay qeyb ka noqdaan geedi socodka kulamada oo laga qeybgaliyo.

5-Beesha Caalamka ay damaanad qaado fulinta Heshiisyada doorashada (April 2016-kii Saxiixayaal Heshiiska)

6-In shirka wadatashiga qaran uu ka dhaco goob ammaan ah oo Muqdisho ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here