Dowladda Soomaaliya Oo Hakisay Qabashada Codsiyada Baasaboorka

0
368

Dowladda Soomaaliya Oo Hakisay Qabashada Codsiyada Baasaboorka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah shaacisay in la hakiyay qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliga ilaa wargelin danbe, iyagoo sabata ka hadashay.

Qoraal lagu daabacay Bogga Facebook Hay’adda Socdaalka ayaa waxaa lagu sheegay in sababta loo hakiyay qabashada codsiyada Baasaboorka ay tahay mid la xiriira halista Cudurka COVID-19 oo dalka kusii hordheysa awgeed.

Hay’adda ayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku wargelisay in la hakiyay qabashada codsiyada Baasaboorka laga bilaabo 27-ka bishaan Febraayo, isla markaana dib laga shaacin doono waqtiga dib loo fasaxayo.

“Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe” ayaa lagu yiri Qoraalka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Xukuumadda ayaa si maalinla ah u shaacisa kiisas farabadan oo Cudurka COVID-19 ah oo laga diiwaan-geliyay gudaha dalka, isla markaana ay jiraan dad Cudurka ugu dhimanaya Caasimadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here