Dadaalo Loogu Kala Dab qaaday Ra’iisulwasaare Rooble iyo Midawga Murashaxiinta oo Fashilmay Iyo Xogihii udambeeyey ee Soo Baxaya

0
302

Dadaalo Loogu Kala Dab qaaday Ra’iisulwasaare Rooble iyo Midawga Murashaxiinta oo Fashilmay Iyo Xogihii udambeeyey ee Soo Baxaya

Dadaalo loogu kala dab qaadayay Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya Maxamed Xuseen Rooble iyo Musharaxiinta Mucaaradka ayaa guuldareystay, kaddib markii caqabado waaweyn ay ka hor-yimaadeen dadaaladaas.

Sida wararku sheegayaan Ergo ay ka mid yihiin Senator Cabdi Qeybdiid, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qooqoor iyo xubno kale ayaa dadaal u galay sidii Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya iyo Midowga Musharaxiin waan waan ay uga dhex sameyn lahaayeen, isla markaana labada dhinac u kulmi lahaayeen.

Dadaaladan xubnahan ay wadeen ayaa bilowga hore ahaa inay kulmaan Midowga Musharaxiinta Mucaaradka iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka haya, hase ahaatee ay dhanka Musharaxiinta ay shuruud hor-dhigeen, kaasoo ah in Xukuumadda xilka sii heysa ay raalli gelin ka bixiso wixii dhacay 19 Febraayo.
Sidoo kale shuruuda dhanka Xukuumadda xilka sii heysa wadatay ayaa ahaa in xaalada la qaboojiyo oo Musharaxiinta baajiyaan bannaan baxa ay ku baaqeen jimcaha.

Hase ahaatee waxaa arrinta ay ka adkaatay dhinaca Madaxtooyada oo diiday dalabka Musharaxiinta, waxaana ay ku soo dhamaatay in Xukuumadda xilka sii heysa ay shalay ku dhawaaqday in la joojiyay bannaan baxa ay Musharaxiinta ku dhawaaqeen inuu dhacayo maalinta jimcaha 26 Febraayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here