Puntland Oo Shuruud Culus Ku Xirtay Ka Qeyb Galka Shirka Magaalada Muqdisho

0
283

Puntland Oo Shuruud Culus Ku Xirtay Ka Qeyb Galka Shirka Magaalada Muqdisho

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shuruud Culus ku xirtay ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland ay dalbadatay in Shirka uu ku baaqay Farmaajo laga wareejiyo Caasimadda dalka ee Muqdisho, isla markaana lagu qabtay dalalka Jabuuti ama Kenya.

Shirkaas ayaa lagu waday in 18-ka bishaan furmo, hayeeshee dib u dhac ayaa yimid, waxaana qorshahiisu yahay in lagu saxiixayo heshiiskii Guddiyada Farsamada dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku gaareen Baydhabo.

Dowladda Federaalka ayaa Madaxda Puntland iyo Jubbaland ugu baaqday inay kasoo qeyb galaan shirka oo kulan u hordhac u ah uu shir guddoomiyay maalin kahor Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Jubbaland ayaa horey shuruudo dhowr ah ugu xiray ka qeyb galka shirkaas ka dhacaya Magaalada Muqdisho, waxaana ay dalbatay in shirka lagu qabto meel amaan ah, ayna kasoo qeyb galaan Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Beesha Caalamka.

Si kastaba Shuruuda cusub ee Puntland ku xirtay ka qeyb galka Shirka ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa, iyada oo shalay Wakiilo ka socday Beesha Caalamka ay Puntland ka dalbadeen inay ka qeybgasho shirkaas, si loo qabto doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here