James Swan Oo Digniin Ka Bixiyay Halis Wajaheyso Xaaladda Soomaaliya

0
245

James Swan Oo Digniin Ka Bixiyay Halis Wajaheyso Xaaladda Soomaaliya

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaalia James Swan ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga.

Swan ayaa waxa uu walaac ka muujiyey iska hormaadyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka.

Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon alhaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in loollalnka afka uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-ki Febraayo ay carqaaladaysay shrikii lagu qaban laha a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17.

Isaga oo sii hadlaayay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayuu sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Ugu dambeyn James Swan ayaa waxaa uu ku cleiyey inaysan aqbalayn doorashooyin qayb ah, kuwo is garab socda iyo kuwo gaar ah toona, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay wada hadlaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here