Dawladda Soomaliya oo Sheegtay in Jimcihii Lasoo Dhaafay Muqdisho uu ka Dhacay Isku Day Afgambi Xili Jimcaha loo Balansan yahay Banaanbax

0
281

Dawladda Soomaliya oo Sheegtay in Jimcihii Lasoo Dhaafay Muqdisho uu ka Dhacay Isku Day Afgambi Xili Jimcaha loo Balansan yahay Banaanbax

Cismaan Dubbe Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho Jimcihii la soo dhaafay laga sameeyay isku day Afgambi.

Wasiir Dubbe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ka hortageen isku daygaas Afgambi.

“19-kii bishaan waxaa Muqdisho ka dhacay isku day Afgambi, ciidamo hubeysan ayaa yimid meel u dhaw Villa Somalia waxeyna dhaheen dalka dowlad kama jirto, madaxweyne ma jiro, waxaase Alle mahadiis ah in laga hortagay isku daygaas”

Hadalka Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda faderaalka Soomaliya aya imanaya xili midawga murashaxiinta Madaxwaynaha Soomaliya ay Jimcaha soo socda u balansanyihiin Banaanbax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here