Muhaajireen Ay Soomaali Badan Ku Jirtay Oo Badda Laga Soo Badbaadiyay

0
374

Muhaajireen Ay Soomaali Badan Ku Jirtay Oo Badda Laga Soo Badbaadiyay

Doomo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Tuniisiya ayaa soo badbaadiyay 103 tahriibiyaal ah, kuwaas oo ka yimid xeebaha Liibiya kuna sii jeeday jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.

Doontii ay wateen tahriibayasha ayaa ku cilladowday meel u jirta 110 km dekadda Alshaaba ee Tuniisiya

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaalada badda ee dalka Tuunisiya ayaa sheegay in dadkaan lasoo badbaadiyay ay caafimaad qabaan loona wareejiyay goob loogu tala galay tahriibayaasha.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in tahriibayaashu kasoo kala jeedaan dalalka  Suuriya, Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Bangladesh, waxaana ku jira 6 dumar ah iyo 5 caruur ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here