Khasaare Ka Dhashay Dab Xoogan oo qabsaday Warshad Ku taala Magaaladda Baladweyne

0
411

Khasaare Ka Dhashay Dab Xoogan oo qabsaday Warshad Ku taala Magaaladda Baladweyne

Dab xoogan oo socday saacado xiriir ah ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd uu ka kacay Warshad sameeysa Joodariyaasha ee ku taalla Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dabka oo markii horey qeyb kamid ah ka kacay Xarunta Warshada ayaa markii dambe kusii faafay qeybo kale oo Xarunta ah, waxaana dabkaas uu socday saacado oo la isku dayay in la demiyo.

Dadka deegaanka iyo Maamulka Baladweyne oo sameeyay dadaalo kala duwan iyaga oo adeegsanayay biyo iyo Carro ayaa ku guuleystay deminta dabkii xooganaa ee ka kacay Xarunta Warshada ku taalla halkaas.

Khasaaro hantiyadeed oo farabadan ayaa ka dhashay dabkaas oo gaaray inta badan Warshada oo ay gudbteen agabyo kala duwan oo dhex yaallay, iyadoona uusan jirin wax khasaaro nafeed oo ka dhashay dabka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Macalin Cilmi ayaa sheegay in dabkaas uusan geysan khasaaro naf ah, balse uu jiro mid hantiyadeed, wuxuuna sheegay in Maamulka uu dadaali doono sidii Magaalada Baladweyne u heli laheyd gaadiid dab demis ah.

“Maamulka Gobolka Hiiraan waxa uu xoogga saari doonaa sidii Magaalada Beledweyne Uheli laheed gadiid deb demis ah. Ganacsatada Magaalada Beledweyne waxa uu Maamulka Gobolka Hiiraan usoo jeedinayaa in ay ka qeyb qataan wax-yaabaha danta guud sida gawaaridaas iyo wixii kale lagama maarmaan ah” ayuu yiri Cabdi Macalin.

Dabkaas ka kacay Xarunta Warshada Joodariyeyaasha ayaa waxaa uu ka dhashay koronto, waxaana dadka deegaanka oo sameeyay dadaalo kala duwan ay ku guuleysteen deminta dabka, mana jiro wax gaadiid dab demis ah Baladweyne leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here