Wasiir Dubbe “Imaaraadka Carabta Wuxuu Somalia Ka Rabaa Sida Liibiya Iyo Yemen”

0
345

Wasiir Dubbe “Imaaraadka Carabta Wuxuu Somalia Ka Rabaa Sida Liibiya Iyo Yemen”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay Qoraalkii shalay kasoo baxay dowladda Imaaraadka Carabta ee dowlad KMG ah ugu yeertay Dowladda Federaalka, xili ay ka hadleysay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu marka hore sheegay in dowladda Federaalka iyo Imaaraadka uu ka dhexeeyay xiriir wanaagsan oo ku saleysan ganacsi.

Waxaa uu sheegay in dowladda ay kasoo xumaatay hadalkii Imaaraadka ee dowladda ugu gaftay ee ahaa in dowlad KMG ugu yeertay Somalia oo ay ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn, uuna lamid yahay hadalkii dhawaan Muqdisho laga sheegay ee ahaa in dalka aysan dowlad ka jirin.

Imaaraadka ayuu sheegay Wasiirka inay doonayaan in Soomaaliya lamid noqoto dalalka Liibiya iyo Yemen, isla markaana ay rabto in dalka ay abuurto barakac iyo dib u dhac, taasina ay tahay mid dadka Soomaaliyeed ka feejigan yihiin.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Dubbe sheegay in markii la saxiixay heshiiskii 17 September qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada ay tageen Imaaraadka ayna ka kulmeen Madax ka tirsan dalkaas, kadibna dalka ay kusoo laabteen, iyaga oo wata shuruudo cusub, ayna arrintaas kamid tahay faragelinta lagu haayo heshiiskii doorashada.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda dowladda Soomaaliy ayaa Carabka ku dhuftay in dowladda ay ka dalbatay Imaaraadka Carabta inay cudur daar ka bixiso Qoraalkii ay DFS ugu yeertay KMG, ayna gef ka gashay Qarannimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here