Kenya oo bedeshay dhammaan qareenadii u doodayay dacwada badda ee kala dhexeysa Soomaaliya

0
272

Kenya oo bedeshay dhammaan qareenadii u doodayay dacwada badda ee kala dhexeysa Soomaaliya

Dowlada Kenya ayaa bedeshay dhammaan qareenadii u doodayay dacwada badda ee kala dhexeysa dowlada Soomaaliya,iyadoo magacawday kuwo cusub xilli wax ka yar bil ay ka harsan tahay dhagaysiga dacwada badda.

Kenya ayaa u magacawday siddeed qareen oo cusub kuwaasoo dhamaantood ajaaniib ah marka laga reebo hal qareen oo ah haweeney u dhalatay dalka Kenya.

Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law ayaa hogaaminaya kooxda waxaana wehelinaya Tullion Treves, oo ahaa garsoore hore oo ka tirsan

Maxkamadda Caalamiga ah ee Sharciga Badaha. Justice Treves sidoo kale wuxuu ka soo muuqday Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (ICJ) kiis la mid ah kii Peru iyo Chile.
Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah. Waxay qeyb ka aheyd dacwada badda ee Gambia ka gudbisay Myanmar. Iyadu waa arday ka qalin jabisay Jaamacadda Nairobi oo ay ku qalin jabisay darajooyinka heerka koowaad.

Sidoo kale waxaa kooxda ka mid ah Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo dhiga sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda Geneva. Isaguba wuxuu dacwad ka gudbiyay maxkamada ICJ ka hor, oo ay kujirto wakiilka midowga afrika ee la talinta sharciyada cawaaqibka kala soocida Chagos Archipelago oo ka timid Mauritius sanadkii 1965. Wuxuu noqon doonaa isku duwaha kooxda.

Isla jaamacadda (Geneva) waxaa ka socda Prof Laurence Boisson De Chazournes oo isna khabiir ku ah sharciga caalamiga. Waxay haysataa laba jinsiyadood – Switzerland iyo Faransiis.

Xubin kale oo kooxda ka tirsan waa Christian Tams, oo bare ka ah Jaamacadda Gasglow. Muwaadinad Jarmal ah , iyada oo ka soo muuqatay isla maxkamada kiisas kala duwan.
Kenya ayaa sidoo kale Eran Sthoeger ka keensatay Israel. wuxuuna kaqeyb qaatay kiiska Peru ee kadhacay Chile.

Liiska sidoo kale waxaa kujira Madaxweynaha Nuqulada Juquraafiga Coalter Lathrop. Wuxuu u fidin doonaa caawimaad sawir gacmeed iyo sharciyeed kooxda Kenya ee xadka iyo xuduudaha badda.

.Dowlada Kenya ayaa badashay qareenada kala ah Karim Khan, Payam Akhavan (American), Makena Muchiri (Kenya), Vaughan Lowe QC (British), Alan Boyle (British), Mathias Forteau (French) iyo Amy Sanders (British).

Dowlada Soomaaliya ayaa sanadkii 2014, dacwad ka gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Waxayna Maxkamada caalamiga ah dhowaan diiday codsi uga yimid dowlada Kenya oo ah in dib loo dhigo dacwada.

15ka Bisha March ee sanadkan ayaa si rasmi ah loo qaadayaa dacwada badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here