Dowladda Oo Sheegtay In Jubbaland Iyo Puntland Kasoo Jawaabin Baaqii Farmaajo

0
313

Dowladda Oo Sheegtay In Jubbaland Iyo Puntland Kasoo Jawaabin Baaqii Farmaajo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay walaaca xaaladda dalka ka ay muujiyeen dalalka xiriirka la leh dowladda ee ku aadan is marin waaga ka taagan qabsoomida doorashooyinka dhacaya oo weli aan heshiis laga gaarin.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda ayaa waxaa lagu sheegay inay diyaar u tahay in la dhameystiro heshiiskii laga gaaray doorashada 17-kii Sebtember, isla markaana khilaafyada jira lagu dhameeyo wada-hadal nabadeed.

Dowladda ayaa sheegta in si loo xaliyo caqabadaha ku hur gudan doorashada bilowday siyaasad ay ku dejineyso qaab heshiis lagu gaari, ayna sameeysay isku day kasta oo lagu dhameeystirayo heshiiks 17-kii Sebtember, balse ay ka cago jiidayaan qaar kamid ah dowlad Goboleedyada.

“Si kastaba ha noqotee, doorasho taariikhi ah oo hal qof iyo hal cod ah laguma guuleysan diidmada qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka. Iyadoo la daneynayo in la gaaro is afgarad, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogolaatay soo jeedin ay soo jeediyeen hoggaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka 17kii Sebtember si loo qabto doorasho dadban. Danta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa weli sii jirta si ay u qabato doorasho ku dhisan is-afgarad, loo dhan yahay, iyo hufnaa” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.

Sidoo kale dowladda ayaa nasiib darro ku tilmaamtay in dhameystirka heshiiska 17-kii Sebtember ee lagu gaaray Muqdisho ay caqabad ku yihiin dalal shisheeye oo fara-gelin ku haaya arrimaha doorashooyinka.

“Nasiib darro, in kasta oo heshiiskaas iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay wax ka qabato tabashooyinka, haddana saameynta xoogagga dibedda ayaa weli caqabad ku ah dhammaystirka heshiiska si loogu gogol xaaro doorashada” ayaa lasii raaciyay Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Farmaajo ayey dowladda sheegtay inay kasoo jawaabeen dowlad Goboleedyada dalka marka laga reebo Jubbaland iyo Puntland, iyadoona dowladda sheegtay in muhiim ay tahay in la saxiixo heshiiskii ay Baydhabo ku gaareen guddiyada Farsamada ee la magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here