IGAD Oo War Kasoo Saartay Iska Horimaadyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0
342

IGAD Oo War Kasoo Saartay Iska Horimaadyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Urur Goboleedka IGAD ayaa War kasoo saaray shaqaaqooyinkii ka dhacay Magaalada Muqdisho e Caasimadda dalka ee dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa taageersan Musharaxiinta Madaxweynaha ee fadhigoosu yahay Hotelka Jasiira.

IGAD oo Qoraal soo saartay ayaa waxaa lagu Cambaareeyay falkii dhacay ee mid lagu rasaaseeyay banaanbaxayaal oo ay hoggaaminayeen Musharaxiin ay kamid yihiin C/raxmaan C/Shakuur, Kheyre C/kariin Guuleed iyo xubno kale, xili ay socod ku marayeen meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in is-afgarad laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana wax kasta oo jira lagu dhameeyo wada-hadal, laga fogaado was kasta oo keeni kara qalalaaso iyo dib u dhac.

Sidoo kale waxaa Ururka sheegeen inay sii wadadi doonaan in Madaxda Soomaalida ay ugu baaqaan in heshiis ka gaaraan caqabadaha ku hor gudan doorashada 2021, iyagoona Madaxda ugu baaqay inay heshiis gaaraan.

Qoraalka IGAD ayaa waxaa kusoo aadaya, iyada oo dagaal kooban uu taalada Daljirka daahsoon ee degmada Boondheere ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwo Milateri oo daacad u ah Musharaxiinta Madaxweynaha oo qorsheenayay inay ilaaliyaan Musharaxiinta oo dhigi lahaa banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay weerar kusoo qaadeen Ciidanka dowladda Federaalka, ayna ka xun yihiin falkaas, xili ay deganaayeen Hotelka Maa’ida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here