DAAWO : Ra’iisulwasaare Rooble oo Hada Warbaahinta la hadlay Iyo Fah faahin ku Saabsan

0
446

Ra’iisulwasaare Rooble oo Hada Warbaahinta la hadlay Iyo Fah faahin ku Saabsan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu ka xun yahay rabshadihii xalay iyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa nasiib darro uu ku tilmaamay in xilligan la yiraahdo dalka dowladi kama jirto, weerarna lagu qaado saldhigiyada ciidanka qaranka ee difaaca dalka u soo dhintay

Sidoo kale waxaa uu Rooble shacabka ugu baaqay inaysan aqbalin in dagaal laga rido magaaladooda oo la burburiyo hantidooda, guryahooda iyo nabaddii ay u soo dhibtoodeen.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa tilmaamay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay balse laga dhaga adeygay.

Waxa uu mar kale ku celiyay in doorashadii lagu ballamay ay dhaceyso, guulana laga gaaray  sidii ay u qabsoomi lahayd, isagoo muujiyay sida uu diyaar ugu yahay in uu la fariisto oo qanciyo cid kasta oo tabasho qabta.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu kusoo aadaya, iyadoo xalay iyo saakay uu dagaal Muqdisho ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidamo daacad u ah Midowga Musharaxiinta Soomaaliya oo ah kuwo ka tirsan Ciidanka Milatetiga dowladda.

Dowladda Federaalka ayaa is hor istaag ku sameeysay banaanbax looga soo horjeeday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo oo ay soo abaabuleen Musharaxiinta Mucaaradka.

HOOS KA DAAWO WARKA :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here