Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni Oo War Kasoo Saaray Wasiir Ku Geeriyooday Somaliland

0
347

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni Oo War Kasoo Saaray Wasiir Ku Geeriyooday Somaliland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Maamulka ayaa waxaa uu ka tacsiyeeyey geerida Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Cabdi Ismaaciil Boss.

Warar aan heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Cabdi Ismaaciil uu maalmihii dambe xanuun haayay, waxaana xalay xaalad Caafimaad darteed looga qaaday Magaalada Garoowe, isagoo loo waday Hargeysa ayuu ku geeriyooday Burco.Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa Jannatul fardawsana ka waraabiyo.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdi Ismaaciil Boos ayaa Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka dowlad Goboleedka Puntland uu ahaa 2014-2015, isla markaana waxaa xusid mudan inuu soo mar soo noqday Guddoomiyihii hore ee Bangiga Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here