Caruur Ku Gubatay Dab Ka Kacay Gurigii Ay Ku Noolaayeen Iyo Tirada Curuurta Geeriyootay

0
341

Caruur Ku Gubatay Dab Ka Kacay Gurigii Ay Ku Noolaayeen Iyo Tirada Curuurta Geeriyootay

Inta la xaqiijiyay laba Carruur ah ayaa geeriyootay hantina waa ay ku baaba’day, kadib markii uu dabka kacay Gurigooda oo ku yaal Tuulada Birta-dheer ama Koofi oo hoostaga degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Carruurta dabka ku geeriyootay oo meydkooda la geeyay degmada Cabudwaaq ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay, Faarax Farxaan Tahliil oo laba sano jir ah iyo Farxiyo Farxaan Tahliil oo Afar Sano jir ah.

Labada Carruurta ah ayaa dabka markii hore waxaa kasoo gaaray dhaawac culus, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in intii loo sii waday degmada Cabudwaaq ay wadada dhaawicii ugu geeriyoodeen.
Hooyo Fartuun Gureey Tawasal oo ah Hooyada dhashay Carruurta geeriyootay ayaa Warbaahinta u sheegtay in ilmaha xiliga dabku qabsaday Guriga ay kuwada jireen, iyadoo umul ah ay lasoo carartay kii yaraa oo ay umusha kula jirtay Balse markii ay guriga ku laabatay ay la kulantay labadii Carruur oo aad u gubtay.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano badan oo dalka ah ayaa waxaa ka dhacay dab baabi’iyay Goobo Ganacsi halka Guryo uu ka kacay ay dad ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here