8 arrimood oo TRUMP uu SOOMAALIDA ka sheegay muddadii uu xilka hayey

0
316

8 arrimood oo TRUMP uu SOOMAALIDA ka sheegay muddadii uu xilka hayey

Donald Trump waxaa maanta ka dhamaatay afartii sano ee xilka madaxweynaha Mareykanka uu hayay.

Muddadii uu xilkaas haayay wuxuu marar badan soo hadal qaaday Soomaaliya iyo Ilhaan Cumar. Sidoo kale wuxuu ku daray 13 dal oo Muslimiin u badan oo xayiraad dhanka socdaalka ah uu saaray.

Waxyar ka hor intii aysan dhicin doorashadii looga adkaaday ee November, wuxuu taageerayaashiisa u sheegay in Ilhaan Cumar ay dooneysa in ay Mareykanka ka dhigta “sida dalka ay ka soo jeeda ee Soomaaliya oo kale”.

Donald Trump ayaa sidoo kale horey u jeediyay hadallo badan oo ku saabsanaa Soomaalida, Ilhan Cumar iyo Muslimiinta.

Haddaba qaar ka mid ah hadalladaas ayaan halkan ku soo koobeynaa:

1- “Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa magaca Ilhaan si khaldan ugu dhawaaqay isagoo yiri “Eel-ann” iyadoo ay u sacbinayeen taageerayaal aan badnayn oo u soo baxay dhageysiga khudbadiisa.

Wuxuu ka digay in Ilhaan Cumar ay suuragal tahay in ay qeyb ka noqoto maamulka Mareykanka haddii musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden uu ku guuleystay doorashada dhici doonto bisha Nofeembar.

“Waxay jeclaan lahayd in ay dalkeenna ka dhigta sida dalkii ay ka timid oo kale – Soomaaliya. Dowlad la’aan, amni la’aan, boolis la’aan. Waxaa ka jirta fowdo uun. Hadda waxay rabtaa in ay noo sheegto sidii aan dalkeenna u maamuli lahayn. Maya, waad mahadsan tahay”, ayuu yiri Trump.

Trump ayaa mar uu booqasho ku tagay Minnesota sannadkii la soo dhaafay wuxuu ku canaantay dadweynaha gobolkaas sababta ay wali raalli uga yihiin in ay Congress-ka ku matasho Ilhaan Cumar.

“Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee lagu magacaabo Ilhaan Cumar, waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11-kii, ee lagu soo qaaday waddankeenna, sideed ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota.”

“Aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu hadalka ku sii daray Trump.

Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitterka soo dhigtay in Trump uu “ku guuldarreystay inuu dalka maamulo” iyadoo tusaale u soo qaadatay in 100,000 oo qof ay u dhinteen fayraska Covid-19, illaa 40 milyan oo qofna ay shaqadoodii waayeen, guud ahaan dalkana ay ka socdaan dibadbaxyo.

2- “Meel walba oo ay tagto way xumaataa, Soomaaliya ayay ka bilowday”

Bishii Nofember, 2019-kii, waxay Donald Trump si wayn isu qabteen haweeney Safiir uga ahayd dalka Ukraine. Wuxuu xilligaas wajahayay mooshinno la xiriiray “fadeexad” ka dhalatay dhaqaale taageero ah oo lagu xiray arrimo siyaasadeed.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilligaas bartiisa Twitter-ka ku weeraray safiirkii hore ee Mareykanka ee dalka Ukraine, Marie Yovanovitch, iyadoo ay socoto dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista.

“Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay,” Mr Trump ayaa sidaasi qoray. “Waxay ka bilowday Soomaaliya, sideey taasi noqotay?”

Mar arrintaasi wax laga weydiiyay, ayay Ms Yovanovitch ugu yeertay “mid hanjabaad ah”.

Trump ayaa mar kale soo jawaabay, isagoo ku doodaya in qoraalladiisa aysan ahayn kuwo hanjabaad ah.

Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu daawaday qeyb ka mid ah dhegeysiga caddeymaha, isla markaana uu u arko mid sharaf dhac ah.

3- “Fikradda xun” ee Trump uu ka qabo Soomaalida

Inkasta oo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka uu yahay mid diiran, islamarkaasna uu sii kordhayo iskaashiga labada dal, haddane waxaa markii ugu horeysay soo baxaya fikradaha uu madaxweynaha Maraykanka ka qabo Soomaaliya.

Bishii July, 2019-kii, hadal uu jeediyay Donald Trump ayaa dhaliyay buuq badan, wuxuuna wajahay dhalleeceyn.

Inkasta oo uusan xilligaas toos u magacaabin, haddane Donald Trump ayaa laga soo xigtay hadalo ay warbaahinta adduunka aad u faafisay oo uu ka sheegay afar xildhibaan oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka, oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar, oo asal ahaan ka timid Soomaaliya.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo ah Ms Ocasio-Cortez ayaa ku dhalatay isbitaal ku yaala degmada Bronx ee New York, halkaas oo qiyaastii 12-mile u jirta meesha uu Donald Trump ku dhashay.

Trump ayaa xildhibaanadan dumarka ah u sheegay in ay ku laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, islamarkaasna ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka heysta dadkooda ay isku asalka yihiin.

Wuxuu yiri: “Waa arrin xiiso leh in aan aragno xildhibaanada dumarka ah ee xisbiga dimuquraadiga, kuwaas oo asal ahaan ka yimid dalal dowladahooda ay gebi ahaanba yihiin kuwa masiibo ah, oo musuqmaasuq hareeyay, ahna kuwa ugu xun ee adduunka ka shaqeeya.”

Wuxuu intaa ku daray: “In hadda (dumarkaas) aydadka reer Ameerika oo ah kuwa ugu awoodda badan adduunka ay u sheegayaan sida wax loo maamulo”.

Ilhaan oo u jawaabtay Trump ayaa sheegtay in ay u dhaaratay Qaranka Maraykanka iyo sidii ay uga difaaci lahayd wax ay ku tilmaamtay “madaxweynihii ugu musuqmaasuqa badnaa ee soo maray”.

Madaxweyne Trump ayaa sannadkii 2018-kii, dalalka Afrika iyo waddamo kale ku tilmaamay kuwa “gudaafad ah”, hadalkaas oo ay ka dhalatay caro badan.

4- “Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina” Minnesota

Mar uu ka hadlayay Minnesota, maalmo ka hor doorashadii 2016-kii, wuxuu sheegay in Soomaalida ay dhibaato u horseedeen gobolka.

“Minnesota waxaad ku aragteen dhibaatooyiinka ay keeneen qaxootiga siiba kuwa halkaan ku badan ee Soomaalida.”

“Idinka oo aan war u heyn ayey yimideen gobolkiina iyagoo waliba qaarkood ay ku biirayaan ururka Daacish, waxayna xagjirnimada ku faafinayaan dalkeena iyo dunida oo dhan.”

Wuxuu sidoo kale xilligaas si guud u eedeeyay dadka soo galootiga ah ee Maraykanka.

5- Daacish iyo Soomaalida

Bishii June, sannadkii 2016-kii; Donald Trump ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in Soomaalida ay ku biiraan Daacish.

Wuxuu tilmaamay in Soomaalida ay iska soo galaan Mareykanka, sidoo kalena ay dhibaato geystaan.

Hadalkaas markuu jeedinayay, wuxuu si gaar ah uga hadlay in ay tahay in isbadal lagu sameeyo waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka.

Soomaalida Maraykanka daggan ayuu ku tilmaamay “qaxooti doonaya in ay Daacish ku biiraan.”

Donald Trump wuxuu mar kale ku “celiyay in ay tahay in Muslim-ka laga mamnuuco Maraykanka.”

Dhinaca kale waxaa xilligaas iyana hadashay Hillary Clinton oo cambaaraysay hadalada Trump

6- “Naceybka” uu Trump u qabo qaxootiga Soomaalida oo la shaaciyay

Bishii October ee sannadkii 2019-kii, bogga internet-ka ee telefishinka CNN ayaa daabacay xog laga soo xigtay buug ay qoreen weriyeyaal ka tirsan wargeyska The New York Time oo ka hadlaya sida uu madaxweyne Trump “u neceb yahay qaxootiga ka yimid Soomaaliya.”

Sida lagu sheegay qoraalkaas CNN, bilihii ugu horreeyay ee xukunkiisa, madaxweyne Trump wuxuu Elaine Duke, oo xilligaasi ahayd kusimaha arrimaha ammaanbka gudaha, weydiiyay sababta ay u mamnuuci la’dahay qaxootiga ka imaanaya Soomaaliya.

Xogta ku saabsan arrintan ayaa lagu daabacay buug cinwaan looga dhigay “Colaadda Xudduudda”, waxaana buuggan lagu muujiyay aragtida madaxweyne Trump ee ku aadan dadka ka soo jeeda Soomaaliya, kuwaasi oo uu arko in ay halis ku yihiin Mareykanka.

Sida lagu xusay buuggaasi: “Madaxweyne Trump iyo Stephen Miller ayaa u muuqda in si gaar ah ay u neceb yihiin Soomaalida, waxayna Soomaalida tusaale u soo qaadan jireen mar kasta oo ay doonayaan in ay muujiyaan halista dadka qaxootig ah ay u keeni karaan Mareykanka.

7- Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump?

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa marar badan warbaahinta isu mariyay hadallo kulul iyo eedo.

Xilligii ugu kululeyd waxay ahayd bishii February ee 2019-kii,oo Trump ugu baaqay Ilhaan inay is casisho, ka dib markii ereyo lagu tilmaamay “Yuhuud naceyb”, ay ku qortay barteeda Twitter-ka.

Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in xildhibanaada Aqalka Kongreska ee Mareyknka ee taageersan Israa’iil ay dhaqaale ka helaan kooxaha taageera Yuhuuda, arrintaasi oo sababtay in Gudoomiyaha Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhaan looga fadhiyo inay raaligeli ka bixiso hadalkaasi.

Trump ayaa xilligaas sheegay in Yuhuud naceybka aysan melnana uga banaaneyn Maraykanka.

“Ilhan Cumaar hadalkii ay tiri waa mid aad u xun, waxayna ila tahay inay iska casishaa aqalka Kongreska ama ay ugu yaraan isaga tagtaa xubinimada guddiga arrimaha dibadda ee aqalka,” ayuu yiri Trump.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaa jirtay marar dhowr ah oo uu Trump wax ka sheegay Soomaaliya iyo Soomaalida. Haddaba dhowrkan qodob ee soo socda ayaan ku eegeynaa hadalladii iyo ficilladii Trump ee ku wajahnaa Soomaaliya iyo Soomaalida:

8- Nin Soomaali ah oo Trump ka mamnuucay magaaladiisa

Bishii March 2019-kii, Maajid Maajid oo 30 jir qaxooti Soomaali ah, ayaa ku dhawaaqay go’aan la yaab leh, xilli uu shir gudoominayay golaha deegaanka Sheffield ee Britain, “taas oo walaaltinimo loogu muujinayo dadka reer Mexico”, sida uu sheegay.

Waxaa uu xilligaa Mr Trump ku tilmaamay “nin nacas ah” islamarkana laga mamnuucay magaalada” qiimaha badan,” ee Sheffield. 

Trump wuxuu xilligaas ku dhwaaqay dhimista tirada qaxootiga Soomaalida ee dib u dajinta la siinayo.

Xilligii uu ololaha ku jiray ee sannadkii 2016-kii wuxuu ka sheegay isu soo bax uu ku qabtay magaalada Minneapolis in uu dadaal u gali doono sidii aad loogu xakameyn lahaa qaxootiga dib u dajinta laga siinayo gobolka Minnesota.

Gobolka Minnesota waxa uu hoy u yahay tirada qaxootiga ugu badan ee Soomaalida ah ee ku nool Mareykanka.

Waxa uu sheegay in tan iyo intii uu xukunka qabtay uu hoos u dhigay qaxootigii dib u dajinta laga siinayay guud ahaan Mareykanka.

“Tan iyo intii aan xafiiska imid waxaan dhimay qaxootiga 85% “, ayuu yiri Mr Trump.

Waxa uu khubda ka jeedinayay isu soo bax lagu qabtay xarun lagu magacaabo Target Centre.

“Sannado badan, hoggaamiyeyasha Washington waxay gobolkiinna keeneen qaxooti badan iyada oo aan la eegin saamaynta ka dhalan karta ee dhanka iskuullada bulshada iyo canshuur bixiyayaasha”, ayuu yiri madaxwayne Trump.

“Waxaan idiin ballanqaadayaa ka madaxwayne ahaan in bulshada aan siiyo fursad ay go’aan ugu yeelan karaan siyaasadaha qaxootiga iyo in la dajiyo qorsha sare loogu qaadayo turxaan bixin la smaeeyo iyo xakameynta muhaajiriinta,” ayuu hadalka ku sii daray.

Xigasho: BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here