Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay Kalluumeysato Ajaanib Ah

0
312

Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigtay Kalluumeysato Ajaanib Ah

Wararka aan ka heleyno xeebaha deegaanada Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu qabtay kalluumeysato Ajaanib ah, xili ay ku jireen badda.

Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Gobolka Salel ee Maamulkaas ayaa gacanta ku dhigay markab ay saarnayeen rag kalluumeysato Ajaanib ah oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayey xeebaha Somaliland.

Ragga Ajaanibta ahaa ayaa xeebta looga soo qaaday gaari ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland, isla markaana waxaa lagu xiray Saldhig Ciidan, waxaana raggaas ay garayaan ilaa iyo 11 qof.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa tilmaamay in ragga waday kalluumeysiga sharci darrada ahaa loo gudbin doono Maxkamad, in kastoo aan la shaacin dalalka ay u dhasheen.

Somaliland ayaa horey gacanta ugu dhigtay rag Ajaanib ah oo kalluumeysi sharci darro ah ka waday xeebaha deegaanada Somaliland, waxaana xusid mudan in qaarkood xukuno lagu riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here