Dalal Ay Somalia Ku Jirto Oo Codkooda QM Waayi Doona Iyo Sababta

0
297

Dalal Ay Somalia Ku Jirto Oo Codkooda QM Waayi Doona Iyo Sababta

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 9 dal oo Afrikaan oo ay kamid tahay Soomaaliya lagu leeyahay lacagaha ay bixiyaan dalalka xubanaha ka ah UN.

Sidaas darteedna ay meesha ka baxeyso xuquuqdooda dhanka codeynta ah ee Qaramada Midoobey waa haddii ay bixin waayaan lacagta laga qaado dalalkaas ee loogu talagalay in lagu kaabo miisaaniyadda howlagalka Qaramada Midoobey.

Waddamadan ayaa laga doonayaan inay bixiyaan lacagaha lagu leeyahay, Soomaaliya waxaa lagu leeyahay $1,443,640.

Waddamada kale ee loo heysto lacagta waxaa kamid ah Iran oo laga rabo inay bixiso $16,251,298, Congo $90,844, Zimbabwe $81,770, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika $29,395, South Sudan $22,804,Niger $6,733 , Comoros $871,632, Sao Tome and Principe $829,888 iyo Libya oo la doonayo inay bixiso $705,391.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here