Shiinaha Oo Maraakiib Dagaal U Soo Diray Xeebaha Somalia Iyo Sababta

0
387

Shiinaha Oo Maraakiib Dagaal U Soo Diray Xeebaha Somalia Iyo Sababta

Wakaaladda Wararka Xinhua News ayaa sheegtay in dowladda Shiinaha ay maraakiib dagaal u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya, iyagoona ka hadlay sababta xiligaan keentay go’aankaas.

Shiinaha ayaa sababta ku sheegay inay doonayaan in Maraakiibtooda iyo doonyaha ay leeyihiin uga ilaaliyaan Burcad-badeedda, xiliyada ay marayaan Gacanka Cadmeed, waxaana Maraakiibta ay kasoo baxeen Magaalada Sanya ee Koonfurta ee dalkaas.

Xinhua News ayaa tilmaamtay in Maraakiibta uu Shiinaha u soo diray xeebaha Soomaaliya ay yihiin  nooca gantaalada xambaara, isla markaana waxaa la socdo in ka badan 700 oo askar iyo Saraakiil, iyagoona soo baxay maalinta sabtida ee todobaadkan.

Sidoo kale Ciidamada saaraan Maraakiibta ayaa waxaa ku jira kuwo  si gaar ah u tababaran, iyagoona Maraakiibta iyo doomaha Rayidka Shiinaha ka ilaalin doona Burcad-badeedda, markii ay marayaan Gacanka Cadmeed.

Si kastaba xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa kalluumeysi sharci darro ah ka sameeya maraakiib iyo doonyo laga leeyahay Shiinaha iyo dalal kale, kuwaasi oo xaalufin ba’an ku haaya kheyraadka ku jira badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here