Joe Biden oo xayiraada ka qaadaya muwaadiniin ay Soomaali ku jirto

0
287

Joe Biden oo xayiraada ka qaadaya muwaadiniin ay Soomaali ku jirto

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa inuu saxiixo dhowr digreeto saacadaha ugu horreeya, marka xilka loo caleema saaro Arbacada soo socota.

Dikreetooyinkan oo lagu wado inuu Biden saxiixo maalinta Arbacada ee la qorsheynayo in loo dhaariyo madaxtinimada Maraykanka ayaa waxaa ay yihiin kuwo uu ku burinayo amaro hore uu u saxiixay Madaxweynaha xilka ka sii degaya ee Donald Trump.

Kuwa ugu horreeya uguna waa weyn ayaa waxaa ka mid ah laalista xayiraada socdaalka ee uu Trump saaray dalal dhowr ah oo intooda badani Muslimiin ah oo Soomaaliya ay ku jirto.

Xayiradaas socdaalka ayaa saameysay Soomaali badan oo ku jira xerooyinka qaxootiga oo ku hami weynaa in loo soo qaado dalka Mareykanka. Waxay sidoo kale u diiday Soomaalida Mareykanka ku nool qaarkood in dalka la keeno ehelladooda, sida xaasaska iyo carruurta.

Waxaa sidoo kale digreetooyinka ka mid ah kuwa lagu amrayo dib ugu laabashada heshiiska cimilada ee Paris, iyo inuu waajib ka dhigo in maaska afka lagu daboolo lagu xirto dhamaan xarumaha dowladda federaalka.

Biden iyo ku xigeenkiisa, haweeneyda la yiraahdo Kamal Harris ayaa la wareegi doona talada xafiiska Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka 20-ka bishaan oo ku beegan Arbacada soo socota.

Hase yeeshee waxaa jirta cabsi weyn oo laga qabo in xil wareejintan uusan ka qeybgalin Madaxweyne Trump waxaana la adkeeyay ammaanka dhammaan magaalooyinka dalka Maraykanka iyadoo laga cabsi qabo inay dhacaan banaanbaxyo rabshado wata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here