Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Yurub Oo Xalay Lagu Kala Cararay+SABABTA

0
324

Garoon Diyaaradeed Oo Ku Yaalla Yurub Oo Xalay Lagu Kala Cararay+SABABTA

Garoonka weyn ee Magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka ayaa xalay xirmay muddo 2 saac iyo bar ah, kadib markii Nin Boorsa watay inta uu dhigtay meel u dhow qeybta lagu hubiyo Baasaboorada uu ku dhawaaqay kalmada (ALLAAHU AKBAR).

Shacabkii Garoonka ku sugnaa iyo shaqaalihii ayaa mar qura kala cararay, waxaana markii danbe goobta gaaray Ciidamada amaanka oo joojiyay dhaq dhaqaaqii duulimaadyada ee Garoonka Frankfurt.

Booliska oo waday howlgal mudo ku dhow 3 saac socday waxa ay ay sheegeen in ay qabteen ninkii ka danbeeyay shaqaaqada Garoonka ka dhacday, isla markaana ay gacanta ku hayaan.

Ugu danbeyntii baaris oo ay sameeyeen Ciidanka ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Frankfurt kadib waxaa lagu ogaaday in ninkaasi uu ahaa qof aan heysan goob uu jiifsado (Homeless).

Saacado kadib ayaa waxaa si caadi ah kusoo laabatay xaaladda garoonka diyaaradaha Magaalada Frankfurt oo la xiray, iyadoo halkaas ay ku xayirmen dad badan oo ka dhaafi lahaa, wallow markii dambe ay dhoofeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here