Trump oo ka soo musaafuriyay Soomaali badan dalka Maraykanka

0
321

Trump oo ka soo musaafuriyay Soomaali badan dalka Maraykanka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa illaa toddobaatan ruux oo Soomaali ah ka soo tarxiilay dalka Mareykanka.

Dadkan ayaa isugu jira dad magan galyo doon ah oo loo diiday magangalyada iyo dad galay dambiyo kala duwan kuwaasi oo ay maxkamadi xukuntay.

Ururada u dooda xuquuqda dadka Soomaalida ee Mareykanka ayaa sheegay in xiligaan dadkaan Soomaaliya lagu celin, sababo ammaan dartood.

Maxamuud Muuse Xasan (BBC) oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda Soomaalida Mareykanka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dadkaan ay ku jiraan dad aan garaneyn Soomaaliya isla markaana aan waligood tagin.

Dowladda Mareykanka ayaa amartay in laga celiyo dalkaasi 4,800 oo isugu jira qoxooti iyo dad danbiyo galay,illaa hadda 1,440 ayaa laga celiyay dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here