Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wadahadlay Hirgalinta Heshiisyo Horay Loo Wada Gaadhay

0
290

Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wadahadlay Hirgalinta Heshiisyo Horay Loo Wada Gaadhay


Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wadahadlay Hirgalinta Heshiisyo Horay Loo Wada Gaadhay
January 15, 2021
SHARE1
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya, mudane Xasab Cabdinuur Cabdi, ayaa danjiraha Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz kala hadlay dardar gelinta heshiisyadii is afgarad ahaa oo ay horey u wada galeen wasaaradaha labada dowladood ee walaalaha ah.

Kulanka labada mas’uul ayaa ka dhacay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho,iyadoo horay u jireen heshiisyo ku saabsan Biyaha iyo tamarta oo labada dal wada gaaree.

Labada Masuul ayaa isla meel dhigay sida wax looga qaban karo biyo yarida ka dhacda dalka xilliyada roobabku yaraadaan.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha kulanka oo la yeeshay danjiraha Turkiga waxaa ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here