Ciidamada Maraykanka oo gebi ahaan maanta ka baxaya dalka Soomaaliya

0
311

Ciidamada Maraykanka oo gebi ahaan maanta ka baxaya dalka Soomaaliya

Dowlada Maraykanka ayaa dhammaan ciidamadeeda ka joogay Soomaaliya lagu wadaa inay in ay maanta oo Jimce ah, 15-ka bisha January isaga baxaan dalka Soomaaliya.

Ciidamo tiradoodu gaareyso illaa 700 ayaa ku sugnaa dalka Soomaaliya waxana ay ka mid noqonayaan ciidamada Maraykanka ee laga daadgureynayo wadamo badan oo caalamka ah kahor intuusan wareejin xilka Madaxtinimada dalka Maraykanka toddobadka soo socda.
Hase yeeshee ciidamada Maraykanka ayaa sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya soo galay sanadkii 2007-dii, iyadoo ciidamada tababar siin jirey ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa DANAB.

Taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in askarta ka baxeysa Soomaaliya qaarkeed la geyn doono dalalka dariska ah, si ay u fuliyaan howlgallo xuduudda looga tallaabayo.

Dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay, madaxweyne Trump ayaa soo saaray amarro noocaas oo kale ah oo ciidamada Mareykanka looga soo saarayo dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here