Xisbiga Jamhuuriga Oo Isku Khilaafay Soo Jeedinta Xil Ka Qaadista Madaxweyne Trump

0
405

Xisbiga Jamhuuriga Oo Isku Khilaafay Soo Jeedinta Xil Ka Qaadista Madaxweyne Trump

Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweyne Donald Trump ayaa aad ugu kala qeybsamay xil ka qaadistii ay soo jeediyeen aqalka Kongreska ee Mareykanka kadib markii toban xildhibaan oo kamid ah xisbigiisa ay u codeeyeen in xilka laga qaado.

Liz Cheney, oo katirsan xisbiga Jamhuuriga, ahna qofka saddexaad ee ugu sarreeya xubnaha Jamhuuriga ee aqalka Kongreska ayaa la kulmeysa cadaadis ah inay iska casisho xubinimada xisbiga kadib markii ay taageertay xil ka qaadista Trump.

Sidookale xubnaha katirsan Jamhuuriga ee taageeray go’aanka aqalka wakiilada ayaa wajahaya hanjabaad, waxayna sheegeen inay adkeeyeen ammaankooda.

Arrinkan ayaa imanaya xilli madaxweyne Trump uu isu diyaarinayo in 20-ka bishan uu xafiiska banneeyo, sidookalena uu wajaho aqalka sare oo go’aanka kama dambeysta ka gaari doonaa xil ka qaadistiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here