Madaxwayne Trump Oo Digniin Ka Soo Saaray Dalaalada Xilka Qaadistiisa

0
334

Madaxwayne Trump Oo Digniin Ka Soo Saaray Dalaalada Xilka Qaadistiisa

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in khudbaddii uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay, ka hor rabshadihii Capitol ee dhimashada sababay, ay ahayd mid “gabi ahaanba sax ahayd”.

Mr Trump ayaa xilligaas taageerayaashiisa ka dalbaday in ay mudaharaad ku aadaan xarunta golaha Wakiillada ee Congress-ka.

Hase yeeshee wuxuu difaacay hadalladiisii, isagoo dhanka kalena “wax fool xun” ku tilmaamay dadaallada ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ee Congress-ka ugu jiraan in xil ka qaadis lagu sameeyo madaxweynaha maadaama uu qalalaase kiciyay.

Wuxuu Trump ka digay in arrintaasi ay sababi karto cadho aad u xoog badan.
Aalka Wakiillada ayaa lagu wadaa in ay maalinta Arbacada ee barri ah u codeeyaan qodobka dastuurka ee xil ka qaadista loogu sameynayo Trump.

“Waxay ila tahay in [howsha xil ka qaadista] ay sababeyso cadho xad dhaaf ah oo ka dhan doonta waddankeenna. Anigu ma doonayo qalalaase,” ayuu yidhi Trump.
Wuxuu madaxweynaha xilkiisu sii dhammaanayo hadalkan jeediyay xilli uu maanta ka sii baxayay Aqalka Cad, isagoo ku sii socday gobolka Texas ee darbiga xadka laga dhisayo.

Donald Trump ayaa xilka ka dagi doona 20-ka bishan January, marka xafiiska loo dhaariyo Joe Biden, oo ah madaxweynaha la doortay.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence ayaa cadaadis xoog leh lagu saarayaa in uu codsado sidii xafiiska looga eryi lahaa Trump, markaas kaddibna uu isagu ku sime sii ahaado inta laga dhaarinayo Mr Biden.
Xildhibaannada Congress-ka ayaa maanta u codeeyay in Mr Pence uu codsado xil ka qaadista Trump. Laakiin waxay wararku sheegayaan in Mike Pence uusan mowqifkaas taageersaneyn, tallaabana u qaadi doonin in sidii xilka looga qaadi lahaa madaxweynaha ay isku xisbiga kasoo jeedaan.

Muxuu sameyn karaa Pence si xilka looga qaado Trump?
Wax ka baddalka Dastuurka Mareykanka ee 25-aad wuxuu fasaxayaa in madaxweyne ku xigeenku uu noqdo ku simaha madaxweynaha marka uusan Madaxweynuhu sii wadi karin xilka iyo waajibaadka, haddii tusaale ahaan qofka madaxweynaha ah ay soo wajahaan xanuunno dhinaca dhimirka ah.

Qodobka dastuurka ee xoogga la saari doono wuxuu dhigayaa in madaxweyne ku xigeenka iyo inta badan golaha wasiirradu ay isku raacaan in madaxweynaha uusan sii gudan karin waajibaadkiisa.

Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wasiirradu waxay markaas u baahnaan doonaan in ay warqado u diraan afhayeennada Congress-ka iyo Senate-ka, haddii codsigooda la ansixiyana wuxuu Mike Pence si rasmi ah u noqonayaa madaxweynaha Ku Meel Gaarka ah.

Madaxweynaha qudhiisu wuxuu heystaa fursad uu ku qoro warqad jawaab ah, haddii uu dood qabana waxay arrintu tageysaa in ay go’aan soo saaraan golaha wakiillada ee Congress-ka.

Haddii ay Congress-ka iyo Senate-ka cod u qaadayaan soo saariska go’aan waxay u baahan yihiin cidad gaaraya saddex meelood labo meel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here