Qorshe xilka looga qaadayo Donald Trump ka hor inta uusan Aqalka Cad ka tagin

0
317

Qorshe xilka looga qaadayo Donald Trump ka hor inta uusan Aqalka Cad ka tagin

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ku dhawaaqay qorshooyin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump ka hor inta uusan xilka wareejin oo uusan Aqalka cad ka tagin.

Nancy Pelosi oo ah Afhayeenka Aqalka Wakiilada ayaa la wadaagtay Xildhibaannada qorshaha xilka looga qaadayo Donald Trump.

Pelosi ayaa sheegtay in codka la qaadayo maalmaha soo socda, kaasoo ah qaraar ugu baaqaya Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence in xilka Madaxtinimada ka qaado Trump.

Mike Pence ayaa laga codsaday wax ka bedelka qodobka 25aad ee dastuurka dalkaas, kaasoo u ogolaanaya inuu noqdo sii hayaha xilka Madaxweynaha, isla markaana Aqalka Cad ka saaro Donald Trump.

Sidoo kale waxaa lagu soo oogi doonaa Mr Trump eedeymo la xiriira kicin iyo doorkii uu ku lahaa dadkii careysnaa ee gudaha u galay dhismaha Aqalka Koongareeska.

Donald Trump ayaa tan iyo jimcihii la hadlin warbaahinta, tan iyo markii laga mamnuucay baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka oo uu si waali ah u isticmaali jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here