Ciidamada Puntland Oo Xalay Fuliyay Howlgal Dad Badan Lagu Soo Qabtay

0
372

Ciidamada Puntland Oo Xalay Fuliyay Howlgal Dad Badan Lagu Soo Qabtay

Ciidanka ammaanka dowlad Goboleedka Puntland ee Gobolka Bari ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay howlgal saacado badan qaatay ka saameeyeen xaafaddo kala duwan oo ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalka sigaar ah uga inta badan xaafadaha ku yaalla bartamaha Magaalada iyo hotelada, iyagoona kusoo qab qabtay dad u badan dhalinyaro ah, kuwaasi looga shakiyey falal amni darro.

Dadka la qabtay ayaa la isugu geeyay goob barxad ah, isla markaana laamaha amniga Gobolka Bari kala saareen dadkaas oo qaarkood la sii daayay, halka kuwo kale ay horey u wateen Ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa ka hadlay howlgalka laga saameeyay Magaalada Boosaaso, isagoo sheegay in dadka lagu qabtay ay baaritaano kala duwan ku socdaan.

Taliye Xuseen Cali ayaa shacabka Boosaaso ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego kasta oo keeni kara amni darro dhacda, sidoo kalena tilmaamay uu sii socon doono howlgalka oo ah mid amniga lagu xaqiijinayo.

Boosaaso ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo geystaan rag hubeysan, waxaana inta badan falalkaas ka dhacay Xarunta Gobolka Bari  sheegtay Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here