Wafdi Ka Socda Kenya Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedka

0
319

Wafdi Ka Socda Kenya Oo Kusoo Wajahan Magaalada Muqdisho Iyo Ujeedka

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa Maanta oo Axad ah waxaa la filayaa inay soo gaaraan wafdi ka socda dowladda Kenya, xili Soomaaliya ay xiriirka u jartay Dowladdaas bishii December 2020.

Warar la helayo ayaa sheegaya in ujeedka wafdiga Kenya ee Muqdisho uu yahay sidii loo bilaabi lahaa wada-hadalada lagu doonayo in mar kale dib loogu soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Wada-hadalka u bilaabanayo labada dhinac ayaa waxaa garwadeen ka ah Urur Goboleedka IGAD, iyagoona Guddi xaqiiq raadin ah u xil-saaray xaaladaha ka jira xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddigaas oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa kulan la qaatay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Cusmaan Balal Maxamed Cusmaan, iyagoo kala hadlay Xaaladaha ka jira Xuduudka labada dal, iyagoona Guddiga horey u booqday Magaalada Mandheera.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxaa wada kulan siiyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana Farmaajo iyo Uhuru laga dalbaday inay dib u soo celiyaan xiriirka labada dal.

IGAD ayaa guddi u saartay guddi qiimeyn xaalada xuduuda, kaddib markii ay dalbatay dowladda Soomaaliya, waxaana guddigan ay dib ugu celin doonaan xog ku saabsan wixii ay ku soo arkeen goobihii ay kormeerka ku tageen ee xuduudka iyo kulamada mas’uuliyiinta labada dal la soo yeesheen.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii December 2020 xiriirka u jartay dowladda Kenya, iyadoo albaabada la isugu dhiftay Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, kaddib markii ay kala soo baxday dhammaan diblomaasiyiinteeda ku sugnaa, dowladda ayaa ku eedeysay inau faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here