Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Macalin Ilkacase

0
487

Maxkamadda Ciidamada Oo Dil Toogasho Ah Ku Fulisay Macalin Ilkacase

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay rag ka tirsan dagaalamayaasah Al-shabaab oo horey Maxkamadda xukun dil ugu riday.

Saddex ruux oo uu ku jiray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase oo ahaa Caan ku ahaa dilal ka dhacay Muqdisho ayaa saakay Maxkamadda Ciidamada xukun dil toogasho ah ku fulisay, kaasi oo ka dhacay fagaaraha dugsiga Booliska ee Generaal Kaahiye.

Xubnaha la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Maxamed Xaaji Axmed Ilkacase, Saalim Saciid Maxamed oo loo yaqaanay Salmaan iyo Axmed Maxamed Haashim oo loo yaqaanay Carab, kuwaasi oo horey Maxkamadda xukun ugu riday.

Dhammaan raggaas ayaa Magaalada Muqdisho ka geystay dilal qorsheysan iyo weeraro, iyagoona wareysiyo kala duwan oo laga qaaday ay ku qirteen inay ka dambeeyeen dilal iyo weeraro ka dhacay Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 31-kii Bishii December ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase iyo xubno kale, kuwaas oo maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Axmed oo loo yaqaanay Macalin Ilkacase ayaa ahaa macalin Jaamacadeed iyo Iskuul, isagoona in muddo ah la shaqeyn jiray dagaalamayaasha Al-shabaab uuna fuliyay dilal badan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here