Milatariga Itoobiya oo qabsaday magaalooyin ku dhow caasimadda Tigray

0
297

Milatariga Itoobiya oo qabsaday magaalooyin ku dhow caasimadda Tigray

Milateriga Itoobiya ayaa shaaciyay inay la wareegeen magaalooyin dhowr ah oo ku dhow Caasimadda Gobolka Tigray ee Mekelle.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Milateriga Itoobiya ayaa sheegay inay la wareegeen magaalada Wikro iyo magaalooyin kale oo ku teedsan magaalada Mekelle.

Milateriga Itoobiya ayaa qaaday weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah maleeshiyada Tigray, waxaana ay qorsheynayaan inay qabsadaan magaalada Mekelle.

Dagaalada ka socda Gobolka Tigray ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof, halka kumanaan kalena ku barakceen.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku gacan seyray qorshe ay wadeen Ergo ka socota Midowga Afrika oo Madaxweynayaal hore ahaa oo doonayay inay dhex dhexaadiyaan Tigray iyo dowladda Itoobiya.

Magaalada Mekelle oo ay hadda ku socda howlgalkii u dambeeyay ayaa waxaa ku nool illaa 500,000 oo qof, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka lagu qaaday uu waxyeelo soo gaarsiiyo shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here