Nin Masaajid Dad Ku Laayay Oo Xukunkii Laga Khafiifiyay Iyo Sobobta Keentay Khafiifintaasi

0
307

Nin Masaajid Dad Ku Laayay Oo Xukunkii Laga Khafiifiyay Iyo Sobobta Keentay Khafiifintaasi

Maxkamad ku taal Canada ayaa xukun ka khafiifisay nin sanadkii 2017 weerar ka fuliyay masaajid ku yaal magaalada Quebec.

Alexandre Bissonnette ayaa sanadkii hore lagu xukumay laba goor oo xabsi daa’in ah, kadib markii uu lix qof ku dhex dilay masaajidka, halka shan kale uu si xun ugu dhaawacay.

Maxkamadda ugu sareysa Quebec ayaa laalashay xukunkaas oo ay ku tilmaantay mid “arxan darro ah oo aan caadi ahayn”.

Go’aanka maxkamadda ayaa ka dhigan in ninkan la sii deyn karo 25 gudahood, halkii uu markii hore xabsi ku qaadan lahaa 40 sano.

Bissonnette oo 31 jir ah ayaa bishii January 2017 waxa uu rasaas ku furay Muslimiin ku cibaadeysanay Quebec Islamic Cultural Centre. Weerarkaas ayaa argagax weyn ku abuuray Canada, waxaana su’aalo laga keenay Islaam naceybka ka jira Quebec iyo qeybaha kale ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here