Donald Trump Oo Diiday Inuu Aqbalo Guuldaradii Ka Soo Gaadhay Joe Biden

0
308

Donald Trump Oo Diiday Inuu Aqbalo Guuldaradii Ka Soo Gaadhay Joe Biden

Donald Trump ayaa sheegay inuu ka tagayo Aqalka Cad hadii Joe Biden si rasmi ah loogu caddeeyo inuu yahay madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa diiday inuu aqbalo guuldaradii ka soo gaadhay codbixintii 3 November, wuxuuna saxaafada u sheegay khamiistii inay adkaan doonto in la ogollaado.

Waxa kale oo uu mar kale ku celiyey sheegashooyin aan caddayn lahayn oo ah musuqmaasuq codbixineed.

Mr Biden wuxuu ku hogaaminayaa Mr Trump 306 cod halka uu helay 232 iyadoo la raacayo nidaamka ergada doorashada ee lagu soo xulo madaxweynayaasha Mareykanka.

Tirada ayaa aad uga badan 270 oo ah intii loo baahnaa in lagu guuleysto, Mr Biden ayaa sidoo kale hoggaaminaya codbixinta dadweynaha in ka badan lix milyan.

Codbixiyeyaashu waxay kulmi doonaan bisha soo socota si ay cod rasmi ah uga dhigaan, iyadoo Dimuquraadiga Joe Biden loo dhaarin doono xilka madaxweynenimada 20-ka bisha Janaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here